fbpx

Su’aalo iyo jawaabo – aqoon guud diini iyo maadi ah better

Maad doonaysa inaad akhriso suaalo qurux badan oo faa’iido leh, oo ku saabsan diini iyo waliba maadi?

Hadaad tahay dadka xiiseeya su’aalaha iyo jawaabaha, halkan waa goobtaada. Waxaan kula wadaagayaa su’aalo iyo jawaabo aqoon guud ah, kuwaas ood ka faaidi doontid cilmi iyo aqoon cusub.

Dhamaan suaalahan waa kuwo xul ah. Markaad akhrido maqaalkan, waxaad awoodi doontaa.

  • Inaad dadka waydiiso su’aalo cajiib ah.
  • Waxaad u muuqan qof aqoon yahan ah.
  • Dadku kuguma soo dagdagi doonaan.

Hadaba qoraalkeena maanta waxaad ka heli doontaa halxiraale cajiib ah. oo ka kooban suaalo iyo jawaabo oo aad kuu soo jiidan doona.

Faaiidada akhrinta Su’aalo iyo jawaabo aqoon guud ah

  • Inaad noqoto qof furfuran.
  • Aqoontaada oo korodha.
  • Waxaad noqon qof caqli badan.
  • Fahankaada oo fiicnaada.
  • Maskaxdaada oo firfircoonaata.
  • Waxay kobciyaan garaadkaada.
  •  Isku xidhka maskaxda iyo caqliga.
erayo naxariis badan habeen wanaagsan.
dhiiri galin guusha.
gabay jaceyl.
hadal murti leh.
cilmi nafsiga.

suaalo iyo jawaabo aqoon guud ah

  1. Sheeg macnaha magaca pakistaan?
  • Waa dhulki daahirka ahaa.
  1. waxaad sheegtaa magaalo ku yaasha, laba qaaradood dhaxdooda?
  • Waa magaalada istaanbuul.
  1. sheeg sanadki la-asaasay ururka ay ku mideysan yihiin dawlahada dhaxdhaxaadkaa?
  • 1961-gi ayaa la aasaasay.
  1. Waxaad sheegtaa sanadki uu dhacay af-duubki diyaaradeed ee ugu horeeyay?
  • Wuxuu ahaa 1931 gi.
  1. Sanadkee ayaa la bilaabay bixinta abaalmarinta Nobel peace prize?
  • Wuxuu ahaa 1901 di.
  1. Sanadkee ayaa la aasaasay wakaalada warbaahinta ee Reuter?
  • Sanadki 1851 gi.
  1. Goorma ayaa la-asaasay ururka midowga Africa?
  • Sanadki 1963 di.
  1. Halkee ayey ku yaashaa xarunta ururka midowga Africa?
  • Magaalada adis abab Ethiopia.
  1. Sanadkee ayuu mamnuucay dilka dalka faransiiska?
  • Wuxuu mamnuucay 1981 gi.
  1. Goorma ayaa la soo saaray raadyaha?
  • Sanadki 1906 di ayaa la soo saaray.
  1. Goorma ayaa la soo saaray shucaaca leyzarka?
  • Sanadki 1958 di ayaa la soo saaray.
  1. Goorma ayaa la sameeyay hayada UNESCO?
  • Waxaa la sameeyay 1946 di.
  1. Sanadkee ayaa la sameeyay sanduuqa lacagaha aduunka?
  • Sanadki 1945 ti, ayaa la sameeyay.

Su aalo aqoon guud qoraal

Su'aalo iyo jawaabo - aqoon guud diini iyo maadi ah
waa su aalo aqoon guud ah.
  1. Sheeg qofki sameeyay bistoolada iyo sanadki la sameeyay?
  • Waxaa sameeyay Samuel colt, sanadku 1835 ti.
  1. Yaa hindisay telefoonka iyo sanadki la hindisay?
  • Waxaa la hindisay sanadki 1876 di, waxaa hindisay Graham bell.
  1. Sheeg marki ugu horeysay ee dadku tageen dayaxa?
  • Waxay ahayd 1969 ki.
  1. Goorma ayey boqortooyada sacuudiga qaadatay magacan?
  • Waxay ahayd 1932 di.
  1. Goorma ayuu geeriyooday hogaamihi carbeed ee jamal cabdinasir?
  • Wuxuu dhintay 1970 ki.
  1. Goorma ayey midoobeen labada dal ee masar iyo suuriya?
  • Waxay ahayd 1937 di.
  1. Dalka masar goorma ayuu ku biiray qaramada midoobay?
  • Sanadki 1945 ti.
fariimo hooyo macaan.
waa maxay kalsooni?
saaxiibka wanaagsan.
hadafka nolosha.
qiso cajiib ah.

Aqoon guud

  1. Sanadkee ayuu dagay markabki titanic-ga.
  • Wuxuu ahaa 1912 di.
  1. Ima jeer ayuu qofku neefsadaa maalin kasta?
  • 20 kun oo jeer ayuu qofku neefsadaa malinkasta.
  1. Goorma ayaa la sameeyay kiniinka ka hortaga uurka?
  • Waxaa la sameeyay 1960 ki.
  1. Meeqa badood ayaa mara dalka Somalia.
  • Waxaa mara 2 badood.
  1. Sanadki meeqa jeer ayey bisadu dhali kartaa?
  • 3 jeer.
  1. Sheeg xayawaanka aan codka lahayn?
  • Geri.

su aalo iyo jawaabo xikmad ah

Su'aalo iyo jawaabo - aqoon guud diini iyo maadi ah
aqoon guud suaalo iyo jawaabo cusub
  1. Sheeg magaalada ugu qadiimsan caalamka?
  • Magaalada dimishiq.
  1. Shibrkee dhala ukumaha ugu waawayn?
  • Waa goroyada.
  1. Waakee boqorki asaasay boqortooyadi sacuudiga?
  1. Meeqa lafood ayuu leeyahay qofka qan-gaadhka ah?
  • 206 lafood.
  1. Sheeg dalka soo saara bunka ugu badan caalamka?
  • Waa brazil.
  1. Waa imisa dhererka wabiga niil?
  • 6648 km
  1. Sheeg dawlada ugu yar caalamka?
  • Waa dawlada faatikaanka.
  1. Sheeg dalki laga qoday ceelki shidaalka ee ugu horeeyay.
  • Waa dalka maraykanka.
  1. Sheeg sanadki la aasaasay gaashaan buurta nato?
  • Waa 1948 di.
erayo kaftan iyo qosol ah.
sirta shukaansiga dumarka.
sheeko qosol badan.
maahmaahyo cusub.

Suaalo iyo jawaabo aqoon kororsi

Su'aalo iyo jawaabo - aqoon guud oo cusub
waa su aalo iyo jawaabo cusub
  1. Sheeg dalka ugu xeebta dheer caalamka?
  • Waa dalka Canada.
  1. sheeg xayawaanka uu dhiigiisu yahay buluuga?
  • Waa caarada.
  1. Sheeg xayawaanka ugu xaragada badan?
  • Waa lo’da.
  1. Meeqa sano ayuu nolaan karaa bakaylaha?
  • 8 sano.
  1. Meeqa litir oo biyo ah ayuu cabaa geela halki mar?
  • 70 litir.
  1. Sheeg sanadki la sameeyay xanjada buufinta?
  • 1928 di, ayaa la sameeyay.
  1. Goorma ayaa la sameeyay bacdi ugu horeysay?
  • 1909ki ayey ahayd.
  1. Yuu ahaa ninki soo saaray doorbin ama diirada?
  • Galiliyo ayuu ahaa.
  1. Goorma ayaa la sameeyay muuqaalki ugu horeeyay caalamka?
  • Waxaa la sameeyay 1931 gi.

su aalo iyo jawaabo maskax ah

  1. Waxaad sheegtaa ninki ugu horeeyay ee sameeyay gaadhiga?
  • Kaarlo beensa ayaa la dhahaa.
  1. Sheeq qaabka lagu sameeyo miskiga?
  • Waxaa laga sameeyaa sagaarada dhiigeeda.
  1. Meeqa sano ayuu libaaxu uurka ku sidaa ilmihiisa?
  • 106 maalmood.
  1. Muxuu kaluunku u seexdaa isagoo indhihiisu furan yihiin.
  • Malaha xiribo uu ku daboolo. 
  1. Sheeg xayawaanka aana seexanin?
  • Raha.
  1. Sheeg xayawaanka ugu cimriga dheer?
  • Waa malayga cirifka waqooyi.
  1. Meeqa lugood ayey caaradu leedahay?
  • 8 lugood.
  1. Masaafo intee dhan ayuu yeygu ka uriyaa ugaartiisa?
  • 3.2 km
  1. Sheeg ninku ugu horeeyay ee duuliya dayax gacmeed iyo wadankiisa?
  1. Sheeg waxa kaliya ee indhooluhu arko?
  • Waxa kaliya ee qofka indhoolaha ah uu arko waa riyada.
  1. Sheeg wakhtiga uu nibirigu ilmaha uurka ku sido?
  • Waa hal sano.
  1. Sheeg wadanki ugu horeeyay ee soo saara sonkorta?
  • Dalka cuba.
  1. Waxaad sheegtaa xawayaanka istaaga ku seexda?
  • Waa faraska.
  1. Waxaad sheegtaa waxaan waligaa kaa hadhaynin?
  • Waa camalkaada.
  1. Sheeg goorma ayaa farta somaliga la-qoray?
  • Waxaa la qoray 1972 di.
magacyada gabdhaha.
oraahyo cajiib ah.
xikmado cajiib ah.
erayo aad ku dhihi karto ninkaada.
heeso qoraal ah.

suaalo iyo jawaabo diini ah

Su'aalo iyo jawaabo - aqoon guud diini iyo maadi ah
Su’aalo aqoon guud diini iyo maadi ah
  1. Sheeg magaca saxda ah, ee caalimki ibnu siinaa?
  • Waxaa weeyo xuseen binu cabdulahi.
  1. sheeg magaaladi uu ku dhintay saxaabigi khalid binu waliid?
  • Wuxuu ku dhintay magaalada ximis ee dalka suuriya.
  1. Waxaad sheegtaa sanadki hijriga ee uu dhacay dagaalki tabuuk?
  • Sanadki 9-aad ee hijriga ayuu dhacay.
  1. Waxaad sheegtaa tirada khaliifyadi cabaasiyiinta>
  • 37 khaliif ayey ahaayeen
  1. Halkee ayey ka dhisnayd boqortooyadi saba?
  • Dalka yeman ayey ka dhisnayd.
  1. Sheega magaalada uu ku aasan yahay salaaxudiin al-ayuubi?
  • Magaalada dimishiq ayuu ku aasan yahay.
  1. Waxaad sheegtaa nabigi boqorka ahaa?
  • Wuxuu ahaa nabi suleymaan CS.
  1. Meeqa sano ayey jirtay boqortooyadi nabi suleyman?
  • 40 sano ayey jirtay.
  1. Sheeg saxaabigi cabay suntan, waxna ay ka tari wayday?
  • Wuxuu ahaa khalid binu walid.
  1. Sheeg magaca haweenaydu ugu horeysay ee shahiida?
  • Waxay ahayd sumaya bintu qiyaad.
  1. Meeqa sano ayuu hayay khilaafada abuubakar RC.
  • Wuxuu hayay 3 sano.
  1. Sheeg saxaabiga waligii aana tukan hadana ehlu-janada kamidka ah?
  • Waa cumar binu thabit.
  1. Sheeg saxaabigi hogaaminayay dagaalki yarmuug.
  • Khalid binu waliid.
  1. Sheeg suurada suu dagtay hal mar, ayadoo dhamaystiran?
  • Suurada ancaa.
  1. Waxaad sheegtaa khaadimki nabi muuse?
  • Wuxuu ahaa yuushac.

Su aalo iyo jawaabo adag

Su'aalo iyo jawaabo - aqoon guud diini iyo maadi ah
aqoon guud suaalo iyo jawaabo
  1. Waxaad sheegtaa magaca samada koowaad?
  • Raafica ayaa la dhahaa.
  1. Waxaad sheegtaa magaca samada labaad?
  • Maacuun.
  1. Sheeg macaga samada sadaxaas?
  • Musayan.
  1. Waxaad sheegtaa magaca saxdaa ee imam shafici?
  1. Waxaad sheegtaa madaxwaynihi islaamka ee ugu horeeyay?
  • Waa abuu bakar binu sadiiq.
  1. Sheeg qofki ugu horeeyay ee seef ku dagaalama?
  • Wuxuu ahaa nabi ibraahim CS.
  1. Meeqa dagaal ayuu galay nabiga SCW?
  • 27 dagaal ayuu galay.
  1. Sheeq qofki ugu horeeyay ee xidhay surwaal?
  • Wuxuu ahaa nabi ibraahim CS.
  1. Sheeg magaca masaajidki ugu horeeyay ee islaamka?
  • Masjidu quba.
  1. Sheeg magaca masjidki labaad ee islaamka?
  • Masjidki nabiga CS.
  1. Sheeg nabigi dilay jaaluut?
  • Nabi daa’uud CS.
  1. Yuu ahaa nabigi loo diray midyan?
  • Nabi shucayb CS.
  1. Yuu ahaa qofki ugu horeeyay ee sooma?
  • Nabi adam CS.
waa suaalo iyo jawaabo cusub oo aqoon guud ah

Gaba-gabo

Suaalahan waa kuwo dhisaya garaadka iyo maskaxda qofka. waxaana rajeynayaa inaad ka baratay cilmi iyo aqoon kugu cusb. su’aalo iyo jawaabo pdf.

Inaad dadka waydiiso suaalo cilmiyaysan. waxay kuu sahlaysaa inaad dadka si dhib yar u dhax-gasho. Waxaad noqon qof furfuran oo bashaash ah. Kaas oo dadku xiisayn doonaan ag-joogiisa wakhti badan.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

dhamaad

6 thoughts on “Su’aalo iyo jawaabo – aqoon guud diini iyo maadi ah better”

  1. Magnificent beat I would like to apprentice while you amend your site how can i subscribe for a blog web site The account helped me a acceptable deal I had been a little bit acquainted of this your broadcast offered bright clear idea

  2. Hello Neat post Theres an issue together with your site in internet explorer would check this IE still is the marketplace chief and a large element of other folks will leave out your magnificent writing due to this problem

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights