fbpx

Shuruudaha salaada lagu aqbalo better to know

Salaadu waxay kamid tahay cibaadooyinka soo jireen ah. ee dhamaan diimaha samaawiga ah oo dhan lagu sheegay. Intaana waajib laga dhigin salaada. wuxuu nabigeena SCW tukan jirey labo rakcadood oo subaxi iyo galabti ah.

Hadaba tukashada salaadu waxay leedahay tiirar. iyo shuruudo ay tahay inuu raaco qofka tukanaya. Hadaad raaci waydana salaadaadu waxay noqonaysaa. Mid aan saxnayn. Maqaalkan ayaan kugu sharaxaynaa shuruudaha salaada ee qofka laga rabo.

sidoo kale akhriso:

sheekh mustafe sheekha ugu saameynta badan somalida
suaalo iyo jawaabo aqoon guud diini iyo maadi
hadal murti leh oo gaaban

Waa maxay shuruud?

Shuruudu waa waxa lagaa rabo inaad samayso, si salaadaada u noqoto mid saxan. Tusaale ahaan hadaad rabto inaad suuqa aado, waxaa qasab ah inaad lugeyso, si aad u gaadho suuqa. Waayo hadaadan dhaqaaqin, macquul maaha inaad gaadho meeshaad rabtay.

Hadaba waa inaad wax samaysaa, si aad u hesho waxaad dooneysay. Waxaas ayaa la dhahaa shuruud.

Shuruudaha salaada lagu aqbalo

Imaamu shaafici AHUN wuxuu ku soo koobay 4 shardi oo kaliya.

1. Nadaafada:

waa shardiga ugu horeeya ee shuruudaha salaada lagu aqbalo. Waxaana loo qaybiyaa 4 qaybood oo kala ah.

  • nadaafada kaadida iyo saxarada.
  • Nadaafada jidhka.
  • Nadaafada dharka.
  • Nadaafada goobta aad ku tukanayso.

2. In wakhtigi salaada la-joogo.

3. Cawradaada ood asturto.

4. Qiblada ood qaabisho.

Tiirasha ama Arkaanta salaada

Salaadu waxay leedahay arkaan, haduu midkood maqan yahayna aysan ansaxaynin inaad tukato salaada.

Waa maxay arkaan ama tiir?

Arkaan ama tiir, waa shay muhiim u ah jiritaanka shay kale. Tusaale ahaan inuu qofku lugeeyo waxaa tiir u ah, in lugihiisa ay ku yaalaan. Oo qofka curyaanka ah ma lugeyn karo.

Arkaanta salaada ee lagaa rabo

Salaadu waxay leedahay 12 tiir oo lagama-maarmaan ah. kuwaas oo kala ah.

1. Niyada

  • Waa inaad niyadaada galiso inaad tukanayso salad waajib ah.

2. Istaag

  • Hadaad awoodo salaada waajibka ah, waa inaad ku tukataa istaag.

3. Xirashada salaada

  • Markaad salaada bilaabeyso waa inaad xirataa, adigoo dhahaya “allaahu akbar”

4. Akhrinta suurada koowaad ee quraanka

  • Waa inaad akhrisaa suurada faataxada, markaad taagan tahay.

5. Rukuuc

  • Rukuucdo waa inaad dhabarkaada raaricisaa, ilaa dhabarkaada uu ka noqonayo mid togan.

6. Ictidaal

  • Waa istaaga kala saara rukuucda iyo sujuuda.

7. Sujuuda

  • Sujuudu waa inaad laba jeer wajigaada dhulka saarto rakcad kasta.

8. Fadhiga u dhaxeeya labada sujuudood

  • Fadhigan wuxuu kala saarayaa labada sujuudood ee lala imaado rakcad kasta.

9. Ataxiyaadka

  • Fadhiga ugu dameeya waxaa la akhriyaa ataxiyaadka.

10. Saliga nabiga SCW

  • Waa inaad nabiga ku salisaa SCW markaad akhrinayso ataxiyaadka.

11. Salaama naqsiga

  • Markaad dhamayso tukushada salaada, waxaa lala imaadaa salaama-naqsi si looga baxo.

12. Kala hormarinta arkaanta salaada.

  • Waa inaad u kala hormarisaa tiirasha salaada, sida alle SW u jideeyay. Lamana khilaafi karo, hadii kale salaadaama ma noqonayso mid saxan.

Waxyaabaha buriya salaada

Salaada markaad xirato, waxaa jira waxyaabo hadaad samayso kaa burinaya. Hadaba waa inaad ka dheeraataa waxyabahan, si salaadaadu u noqoto mid saxan.

  • Hadalka kaska ah.
  • Cunista ama cabida.
  • Qosolka.
  • Cawradaada oo feydanta.
  • Qiblada ood ka jeedsato.
  • Dhaqdhaaq aan salaada ku jirin ood msamayso marar badan.
  • Dahaarada oo kaa burta.

Ducooyinka furfurashada salaada ee la akhriyo

Ducada 1aad

Allaahumma baacid baynii wa bayna-khadaayaaya kamaa baacadta baynal-mashriq wal-maqrib. allaahummaqsilnii min khadaayaaya bil-thalji wal-maa-I, wal-baradi )

Macnaha ducada oo soomaali ah

allow nakala fogee aniga iyo dambiyadeyda. sidaad u kala fogeysay qorrax ka soo-baxa iyo qorrax u dhaca. Allow iga sifee gafafkeyga, sida wasakhda looga sifeeyo marada cad. Allow dambiyadeyda igaga daahiri baraf, biyo iyo qabow.

Ducada 2aad

subxaanakallaahumma wa bixam-dika, wa tabaaraka ismuka, wa tacaalaa jadduka, walaa ilaaha qayruka

Macnaha ducada oo soomaali ah

Allow adigaa xumaan oo dhan ka hufan, mahadna leh, magcaaduna wuu barakoobey. awoodaaduna kor ayey ahaatay, alle aan adiga aheyna ma-jiro.

Ducada 3aad

wajahtu wajhiya lilladii fadaras-samaawaati wal-arda xaniifan, wamaa ana minal-mushrikiin. inna salaatii wa nusukii wa maxyaaya wa mamaatii lillaahi rabbil caalamiin. laa shariika lahu wa bidaalika umirtu wa ana minal muslimiin.

Allaahumma antal-ma-liku laa ilaaha illaa anta, anta rabbii wa ana cabduka. dalamtu nafsii wactaraftu bidambii faqfirlii dunuubii jamiican, innahu laa yaqfirudunuuba illaa ant.

Wahdinii li axsanil-akhlaaqi la yahdii li axsanihaa illaa ant. wasrif cannii sayyi-ahaa laa yasrifu cannii sayyi-ahaa illaa ant. lab-bayka wa sacdayka, wal-khayru kulluhu biyadayka. washarru laysa ilayk ana bika wa ilayk, tabaarakta wa tacaalayt. astaqfiruka wa atuubu ilayk.

Macnaha ducada oo soomaali ah

Wajigayga waxaan u jeediyay allihii uumay cirka iyo dhulka, anigoo ka iilanaya shirkiga. Kaman mid ihi kuwa mushrikiinta ah.

Salaadeyda gawracayga, noloshayda iyo geerideyduba. waxay u sugnaatay allihii caalamka oo dhan rabigooda ahaa. cid la-wadaagtana ma-jirto, sidaas ayaan lay amray, waxaana kamid ahay muslimiinta.

Allow adigaa ah boqorka, alle xaq lagu caabudo ma-jiro adiga mooyee. adigaa ah rabigayga, aniguna waxaan ahay adoonkaada. Waxaan dulmiyay nafteyda, waana qirtay dambigayga. ee ii cafi dambiyadeyda oo dhan, ma cafiyo dambiyada adiga mooyee.

Iguna hanuuni akhlaaqda teeda ugu wanaagsan, kumana hanuuniyo teeda wanaagsan adiga mooyee. Igana jeedi teeda xun, igama jeediyo teeda xun adiga mooyee.

Allow waan ku ajiibay, waana kugu liibaanay. khayr oo dhana waa labadaada gabcmood dhaxdooda. Sharkuna xagaada ma ah, anigana adigaan kuu joogaa, xagaadana waan ahaaday. waad barako badan tahay, korna waad ahaatay. waxaana ku waydiisanayaa inaad ii dambi dhaafto, waana kuu tawbad keenay.

Ducada 4aad

allahumma rabba jibraa-iila wa miikaa-iila, wa israafiila, faadirassamaawaati wal-ardi. caalimal qaybi washahaadati, anta taxkumu beyna cibaadika. fiimaa kanuu yakhtalifuun ihdinii fiimakhtulifa fiihi minal xaqqi bi-idnik. innaka tahdii man tashaa’u ilaa siraadin mustaqiim.

Macnaha ducada oo soomaali ah

Allow rabigii jibriil iyo miikaa-iil iyo israafiil, samada iyo dhulkana abuurow. waxa maqan iyo waxa joogaba ogaayow, adigaa kala xukuma adoomahaada dhaxdooda. waxay isku khilaafeen dhaxdiisa.

Igu hanuuni waxa laysku khilaafay xaqiisa, idinkaada sababtiisa. adigu waad ku hanuunisaa qofkaada doonto jidhka toosan.

Ducada 5aad

Allaahu akbar kabiiraa, alaahu akbar kabiiraa, allaahu akbar kabiraa. wal-xamdu lillaahi kathiiraa, 3 mar, wa subxaanallahi bukratan wa asiilaa Saddex jeer. acuudu billaahi minashaydaani: min nafkhih, wa nafathih, wa hamzih.

Macnaha ducada oo soomaali ah

Ilaahaybaa weyn oo weyn 3 jeer, mahad badana ilaah baa leh 3 jeer. xumaan iyo ceebna ilaah baa ka hufan, subax iyo galabba. Waxaan ilaahay ka magan galayaa shaydaanka afuufkiisa, tufiddiisa iyo waswaasintiisaba.

Ducada 6aad

subxaana rabbiyal cadiim, subxaana rabbiyal cadiim, subxaana rabiyal cadiim.

Macnaha ducada oo soomaali ah

Waxaa xumaan oo dhan ka hufan rabigeygi weynaa.. 3 jeer

 Gaba-gabo

Waxaan rajeynaa inaad baratay shuruudaha salaada iyo arkaanta salaada. Waxaana kuu sahlanaaneysa inaad garanayso waxa lagaa rabo, intaadan xiranin salaada.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Hadaad maqaalkan wax ka faa’idey, waxaan si dabacsan kaaga codsanaynaa. inaad asxaabtaada la-wadaagto si ay uga faa’idaan sidaada oo kale. tekniko i

Dhamaad.

3 thoughts on “Shuruudaha salaada lagu aqbalo better to know”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights