Inaad wax ka taqaanid gobolada dalkaada iyo taariikhdiisa. waa waajibaad saaran qof kasta oo muwaadin ah.
Aidu maad taqaanaa tirada gobolada soomaaliya? Maqaalkan waxaan kugu baranaynaa dalkeena inta gobol uu ka kooban yahay sida.
- Tirade gobolada.
- Magaalo madaxdooda.
- Tirade dagmooyinka gobol kasta.
- Tirade dadka ku nool.
- Baaxada dhulka ee gobol kasta.
Sida ku qorand astuurka dalka Somalia, dalka wuxuu ka kooban yahay 18 gobol. Waana muhiim inuu qofku wax ka barto deegaamada dalkiisa iyo dadka ku nool tiradooda. Taas waxay xoojinaysaa wacyigaada wadaniga ah.
sidoo kale akhri:
Maxaad ka taqanaa dalka soomaaliya?
Dalka soomaaliya wuxuu ku yaallaa geeskaa frica. Wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu gaadhayso 635,541 km
Wuxuu xuduud la leeyahay
- Bari: badweynta hindiya.
- Waqooyi jabuuti.
- Galbeed: dalka itoobiya.
- Koonfur galbeed: dalka keenya.
Dalka soomaaliya waa dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaarada Africa. Dhererka xeebta soomaaliya waa 3333 km.
Tirade umada soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 30 malyan oo qof. Dadka soomaalida
- 60% waa reer baadiye
- 20% waa reer magaal.
- 15% waa beeraley
- 5% waa kaluumaysato.
Khubarada ka faaloota taariikhda umada soomaaliyeed. waxay sheegaan in ereyga soomaaliya uu ka kooban yahay, labo eray oo laysku daray, kuwaas oo kala ah {1 soo. 2 maal}
Macana labadana waxaa loola jeedaa, ereyga soo macnihiisu waa soco. Ereyga maalna macnihiisu waa lis.
Caasimada dalka soomaaliya waa muqdisho, caasimada labaadna waa hargeysa. Mida sadaxaadna waa kismaanyo. Mida afraadna waa urco. Halka mida shanaadna ay tahay baydhabo.
Tirakoobka gobolada soomaaliya
Tirsiga | Gobolada | Tirade dagmooyinka | m. madaxda | Badka dhulka | Tirade dadka |
1 | Awdal | 4 dagmo | Baki | 16,294km² | 673,263 |
2 | Bakool | 5 dagmo | Xudur | 26,962km² | 365,000 |
3 | Banaadir | 15 dagmo | Muqdisho | 370km² | 4,276,000 |
4 | Bari | 11 dagmo | Boosaaso | 85,088km² | 1,500,000 |
5 | Baay | 5 dagmo | Baydhabo | 35,156km² | 1,106,000 |
6 | Galguduud | 8 dagmo | dhuusamareeb | 46,126km² | 628.000 |
7 | Gedo | 6 dagmo | Garbaharrey | 85,000km² | 987,000 |
8 | Hiiraan | 5 dagmo | baladweyne | 31,510km² | 538,000 |
9 | Jubada dhexe | 4 dagmo | Bu’aale | 9,836km² | 363,000 |
10 | Jubada hoose | 5 dagmo | Kismaayo | 42,876km² | 668,000 |
11 | Mudug | 5 dagmo | Kaalgacyo | 72,933km² | 717,863 |
12 | Nugaal | 4 dagmo | Garowe | 26,180km² | 160,000 |
13 | Sanaag | 4 dagmo | Ceeri gaabo | 54,231km² | 544,123 |
14 | Sh/dhexe | 7 dagmo | Jawhar | 22,663km² | 864,000 |
15 | Sh/hoose | 7 dagmo | Marka | 25,285km² | 1,400,000 |
16 | Sool | 4 dagmo | Laas caanood | 39,240km² | 327,428 |
17 | Togdheer | 4 dagmo | Burco | 40,426km² | 721,363 |
18 | w/galbeed | 4 dagmo | Hargeysa | 17,429km² | 1,242,003 |
Fogaanta u dhaxaysa gobolada soomaaliya
- Baladweyne iyo xamar waxay isku-jiraan 360 km.
- Baydhabo iyo xamar waxay isku-jiraan 250 km.
- Boosaaso iyo xamar waxay isku-jiraan 1,505 km.
- Bari iyo xamar waxay isku-jiraan 1,800 km.
- Bu’ale iyo xamar waxay isk-jiraan 485 km.
- Burco iyo xamar waxay isku-jiraan 1,240 km.
- Ceeri gaabo iyo xamar waxay isku-jiraan 1,450 km.
- Dhuusomareeb iyo xamar waxay isku-jiraan 550 km.
- Garbaharey iyo xamar waxay isku-jiraan 505 km.
- Gaalgacyo iyo xamar waxay isku-jiraan 750 km.
- Garowe iyo xamar waxay isku-jiraan 925 km.
- Hargeysa iyo muqdisho waxay isku-jiraan 1,600 k.
- Laascaanood iyo xamar waxay isku-jiraan 1,220 km.
- Kismaayo iyo xamar waxay isku-jiraan 500 km.
- Jawhar iyo xamar waxay isku-jiraan 90 km.
- Marka iyo xamar waxay isku-jiraan 1,110 km.
- Xudur iyo xamar waxay isku-jiraan 430 km.
Badaha mara dalkeena soomaaliya.
Dalkeena waxaa mara laba badood oo kala h, badeynta hindiya iyo badda cas.
Magaalooyin leh xeebaha
Magaalooyinka dalkeena ee leh xeebaha waxaa kamida kuwan oo ah kuwa ugu waawayn.
- Muqdisho.
- Kismaanyo.
- Baraawe.
- Marka.
- Hobyo.
- Bandarbayla.
- Isku-shuban.
- Boosaaso.
- Caluula.
- Berbera.
- Saylac
Wabiyada mara dalka soomaaliya.
Wadankeena waxaa mara labo wabi oo waaweyn oo kala
- Shabeelle.
- Iyo juba.
Labadan wabiba waxay ka imaadaan dalka aan dariska nahay ee itoobiyo. Dhererka webiga shabeelle wuxuu gaadhayaa 500 km.
Waxaana ugu weyn uguna biyo badan labadan wabi, wabiga juba oo dhererkiisu uu gaadhayo 800 km.
Magaalooyinka ay maraan wabiyadan.
Labadan wabi waxay maraan magaalooyin iyo tuulooyin badan. waxaana kula wadaagayaa kuwa ugu caansan.
Magaalooyinka uu maro wabiga shabeelle
- Baladweyne.
- Buulobarde.
- Jawhar.
- Baalcad.
- Afgooye.
- Jannaale.
Wabigan wuxuu ku dhamaadaa meel la-dhaho dhay-tubaako oo u dhaxaysa shalanbood iyo jilib.
Magaalooyinka uu maro wabiga juba
- Dolow.
- Luuq.
- Baardheere.
- Bu’aale.
- Jilib.
- Mareerey.
- Kabsuuma.
- Jamaame.
Wabigan wuxuu gaadhaa bada. wuxuuna kaga darsamaa meel la-dhaho goobweyn oo magaalada kismaayo u jiro 25 km.
Khayraadka soomaaliya ee dabiiciga ah
Dalkeena soomaaliya wuxuu leeyahay khayraad dabiiciya oo aad u badan. waxaana kamid ah
Xoolaha soomaalida
Xoolaha bulshada soomaalidu dhaqato, waxaa loo qaybiyaa afar meesi ama afar nooc. Waxayna kala yihiin
- Geel.
- Lo’da.
- Idaha
- Iyo riyaha
Dalagyada ay beertaan soomaalida
- Babaayga, wuxuu ku bislaadaa 180 cisho.
- Bataatiga, wuxuu ku bislaadaa 120 cisho.
- Canbaha, wuxuu ku bislaadaa 6 sano.
- Digirta, waxay ku bislaataa 80 cisho.
- Galeyda, waxay ku bislaataa 90 cisho.
- Lawska, wuxuu ku bislaadaa 10 cisho.
- Mesegada, waxay ku bislaataa 90 cisho.
- Muuska, wuxuu ku bislaadaa 180 cisho.
- Sisinta, waxay ku bislaataa 90 cisho.
- Yaanyada, waxay ku bislaataa 90 cisho.
Geed-mireedka ka baxo dalkeena
Waxaa jiro geedo badan oo ka baxo dalka soomaaliya, kuwaas oo mirahooda la-cuno. Waxaana ugu caansan kuwan hoos ku xusan.
- Hohob.
- Mareer.
- Gud.
- Miracas.
- Tuke lalmi.
- Gob.
- Murcood.
- Dhafaruur.
- Kobash.
- Dhuwan.
- Askax.
- Ontoro.
- Shanfarood.
- Deegaan.
- Barde.
- Dhebi.
- Dhamaag.
- Qoone.
Warshadaha ku dalka uu yeeshay
- Warshada kalluunka ee laasqorey, waxaa la-dhisay 1970 ki.
- Warshada dharka ee balcad, waxaa la-dhisay 1968 di.
- Warshada sonkorta ee jawhar, waxaa la dhisay 1962 di.
- Warshada caanaha ee xamar, waxaa la-dhisay 1966 di.
- Warshada hilibka ee kismaayo, waxaa la-dhisay 1973 di.
Gobolada iyo warshadaha ay lahaayeen
Gobolka banaadir
- Warshada caanaha.
- Warshada birta.
- Warshada baastada.
- Warshada sifaynta badroolka.
Gobolka sh/hoose
- Warshada bulukeetiga.
- Warshada yaanyada.
Gobolka bari
- Warshada kaluunka xaabo
- Warshada kaliinka qandala.
- Warshada kaluunka laasqorey.
Gobolka togdheer
- Warshada hargaha.
Gobolka waqooyi galbeed
- Warshada shamiitada.
- Warshada galeyda.
- Warshada jibsanta.
- Warshada jeestada.
- Warshada hargaha.
Gocolka jubada hoose
- Warshada caaga.
- Warshada hilibka.
- Warshada hargaha.
- Warashada sonkorta.
Gobolka jubada dhexe
- Warshada sonkorta.
- Warshada dharka.
- Warshada rasaasta.
Gobolka mudug
- Warshada galleyda.
Magacyada dhalinyardii ururka SYL.
- Cabdiqaadir saqaawe diin.
- Maxamad xirsi nuur.
- Yaasiin xaaji cismaan.
- Xaaji maxamad xuseen.
- Cusmaan geedi raage.
- Dheere xaaji dheere.
- Cali xasan maxamuud.
- Maxamad cali nuur.
- Maxamad faarax hilowle.
- Xaaji maxmad cabdulahi.
- Dhuudow macalin cabdulahi.
- Maxamad cusmaan baarle.
sidoo kale akhri:
Madaxdi soo martay dalka soomaaliya
Luulyo 1969 ki, waxaa dalka madaxwayne ka noqday aadan cabulle cismaan.
Juun 1967 di, waxaa madaxwayne dalka ka noqday cabdirashiid cali sharmaake.
Oktobar 1967 di, waxaa dalka madaxwayne ka noqday maxamad siyaad barre.
January 1991 ki, waxaa dalka madaxwayne ka noqday cali Mahdi maxamad.
Ogost 2000, waxaa dalka madaxwayne ka noqday cabdi qaasim salaada.
Octobar 2004 ti, waxaa dalka madaxweyne ka noqday cabdulaahi yusuf axmad.
January 2009 ki, waxaa dalka madaxweyne ka noqday shariif sheekh axmad.
September 2012 di, waxaa dalka madaxweyne ka noqday xasan sheekh.
Febraayo 2017 di, waxaa dalka madaxwayne ka noqday maxamad cabulahi farmaajo.
Maarso 2022 ki, waxaa dalka madaxwayne ka noqday xasan sheekh.
Maalmaha taariikhda la-xuso ee dalka
Dalkeena soomaaliya wuxuu leeyahay. maalmo gaar ah oo la xuso taariikhda umada soomaaliyeed, waxaana kamid ah maalmahaas.
26-ka june 1960 ki, waa maalinti ay xoroobeen gobolada waqooyiga.
1-da july 1960 ki, waa maalinti ay gobolada koonfur xoriyada qaateen.
1-da luulyo 1960 ki, waa maalinti ay midoobeen gobolada koonfurta iyo waqooyiga.
12-ka april, waa maalinta la aasaasay calanka iyo maalinta xooga dalka soomaaliyeed.
8-da maarso, waa maalinta haweenka umada soomaaliyeed.
5-ta oktobar 1949 ki, waa maalinta dagaalki dhagax-tuurka ee hanoolaato.
27-da juun 1977 ku, waa maalinta xornimada dalka jabuuti.
15-ka maarso 1943 di, waa maalinti aasaaski ururkii SYL.
20-ka December 1950 ki, waa maalinti la aasaasay police-ka soomaaliya.
21-ka oktobar 1972 di, waa maalinta la-qoray farta soomaaliga.
16-ka fabraayo 1974 ti, soomaaliya ayaa ku biirtay wadamada carabta.
1528- 1542 di, waa halganki imam axmad gurey ee burtaqiiska iyo itoobiyo.
1900-1921 di, waa halgankii sayid maxad cabdile xasan ee guumaystaha.
Bilaha sanadka ee soomaalida
- Sako.
- Safar.
- Mawliid.
- Maalma-doone.
- Milli hore.
- Milli dhaxe.
- Milli dambe.
- Soon dheere.
- Soon.
- Soon fur.
- Sidataal.
- Carafo.
Gaba-gabo
Waxaan filayaa inaad wax badan ka baratay maqaalkan. aan ku faafaahinay taariikhda iyo gobolada soomaaliya.
Sidoo kale barteena sagaal.com waxaan ku soo gudbinaa. maqaalo tayo sare oo ku saabsan
- ariimaha jaceylka.
- Arimaha bulashada.
- Taariikhaha.
- Shaqsiyada qofka sida loo dhiso.
- Iyo maqaalo kale oo xiiso badan.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Si aad taageeradaada noogu muujiso fadlan asxaatada baraha bulshada u share garee. Midaas waxay noo cadeynaysaa inaan dadka wax wanaagsan u soo gudbino.
Dhamaad.
1 thought on “Gobolada soomaaliya maxaad ka taqaanaa? better for us”
Comments are closed.