fbpx

Habeen wanaagsan – erayo naxariis badan better

Maad rabtaa inaad ku abuurto xiiso aan dhamaad lahayn, qofka aad jeceshahay. Hubaal hadaad u qorto fariimahan hoos ku qoran, aad ayuu kuu xiisayn doonaa.

Waa erayo shucuur badan oo habeen wanaagsan ah. oo ku qasbaya inuu kaa fikiro adiga oo kaliya markuu seexanayo.

 Xidhiidhada guuleysta waxay u baahan yihiin dadaal iyo danayn. Hadaba lamaanahaada si aad ugu muujiso jacaylkaada. waa inaad u qortaa erayo naxariis badan.

Anaga ayaa kuu soo aruurinay erayo naxariis badan. ood ku hanan karto qalbiga qofka aad jeceshahay ee u qor intaada seexan ka hor.

Hadaad rabto inaad hanato qalbiga qofka aad jeceshahay. waa inaad barataa erayada saameeya qalbiyada dadka. Waayo way sahlan tahay inaad saameyso qalbiga qofka, hadaad isticmaasho erayadan. Waa hubaal inuu kugu waalan doono qofkaas, oo kaa fikiri doono markasta.

sidoo kale akhriso

hadal murti leh oo gaaban
erayo dhiiri galin ah

Faa’iidada erayo habeen wanaagsan

Waxaa hubaal ah, qofka lamaanahaada ah. markaad u dirto fariin xiliga habeenka inuu kaa fikiri doono habeenkaas oo dhan.

  • Waxaad hasuusinaysaa jacaylkiina iyo waayihi uu soo maray.
  • Inuu kaa fikiro ilaayo intuu ka seexanayo.
  • Xiisaha uu kuu qabo oo sii bata.
  • Wuxuu dareemi doonaa daganaansho.

Fariimo habeen wacan ah

Maad garan wayday waxaad u qorto qofkaad jeceshahay, siiba markaad sii seexanayso. Waa kuwan erayo macaan iyo fariimo habeen wacan ah, ood u diri karo.

  • Maad ogtahay waxa wadada iftiimiya habeenki, inaad adigu tahay macaaney.
  • Habeen wacan qaali, waxaan kuu rajaynayaa inaad nabad iigu soo toosto.
  • Malab ma-rumaysan karo in maalintaydi ay dhamaatay, anigoon ku arag.
  • Ma jiro wax ka-badan oon doonayo, oon ahayn inaan agtaada ku nolaado.
  • Xataa hadaan maalinti oo dhan aan kula joogin, intaan seexan adigaan kaa fikiraa.
  • Waxaa tahay qof aan ka xakamayn Karin qalbigayga, inuu ka fikiro. Habeen wacan pape.
  • Markastoo dhoolacadeyso, waxaad iga caawisaa inuu habeenkayga fiicnaado.
  • Inaan riyada ku kulano ayaan rajeynayaa macaan badan. hurdo caafimaad leh ii seexo.
  • Waxaan kaaga mahadcelinaya, inaad wakhtigaadi ii hurtay. Markasta iigu soo toos caafimaad wanaagsan.
  • Erayo kuma soo koobi karo, xiisaha aan kuu qabo. kaliya waxaan ku leehaya hurdo caafimaad qaba ii seexo xapiipi.
  • Maalinkasta oon kula qaato, waa maalinta aan ugu farxada badanahay. Macaan si fiican iigu seexo. Hurdo caafimaad qabta ii seexo.
  • Waxaa agtaada jiifa qayb kamida jirkayga, ee macaan agtaada yeyna ku dhaxamoonin.
  • Waxaan wacad ku marayaa inaan ku jeclaan doono, intaan nolahay. Marnaba booskaada cid kale ma buuxin karto. Habeen wacan qurux.
  • Qalbigayga ayaad ku dhex nolaan doonta, inta ka dhiman noloshaada. Hurdo fiican ii seexo qalanjo.
  • Habeen wacan xapiipti, oo ogow inaan waligay kaa tagaynin adiga. Adigaan gaar kuu ahay.
  • Waxaan sugi la’ahay inaan habeeno badan agtaada seexo. oon kula qaato xasuus aan ka bixi doonin laabtayda.
  • Indhaha markaan isku-qabto, adigaa ii muuqda. Maad garan sababta? Naftu adiga la’aantaa ma dareento xasilooni.
  • Gacaliso habeen wacan, waan ka xumahay inaan agtaada jiifin.

habeen wacan my love

  • Aniga riyadaydu waa in noloshayda inta ka dhiman agtaada ku qaato. Habeenk hakuu wacnaado qaali.
  • Habeen kasta waxaa tahay qofka kaliya een ku riyoodo. Macaan habeeno badan ii faraxsanow.
  • Malap anigoon dhuunkanin dhabankaada, hurdaba ma ladi karo.
  • Hadaad soo kacdo xili habeenimo ah, marnaba ha baqin. Anigaa markasta agtaada jooga.
  • Runti aad ayaan uga helaa inaan maqlo codkaada, markaan sii seexanayo. Gacaliso waan ku jeclahay.
  • Sababta aan u xiiseeyo hurdada, waa in habeenkaas oo dhan agtaada aan joogayo.
  • Waxaan rabay inaan seexdo, laakin indhaba inaan isku-qabto ma awoodo. Anigoon ku dhihin habeen wanaagsan gacaliye.
  • Waxaa tahay indhahayga nuurkooda, adiga miyaanba kaa maarmaa.
  • Qaali, waa inaad ogaataa inaan kaa fikiro, markaan tago sariirtayda.
  • Waxaan kuu rajeynayaa habeen wacan iyo hurdo caafimaad qabta.
  • Ma walwalo intaad adigu ku lamaantahay noloshayda.

sidoo kale akhriso

cilmiga nafsiga
sidee loo noqdaa qof furfuran
hooyo macaan

erayo jaceyl habeen wacan

  • Dareenkaan kuu hayo qaali, waa mid awood badan. habeen wacan pape.
  • Kaliya waxaan fariintan kuugu soo diray. inaad tahay qofka kaliya een u xiiso marwalba.
  • Waxaan ku xasuusinayaa, inaa tahay gabadha ugu quruxsan aduunka.
  • Runti waan necbahay habeenka, waayo waad iga fogtahay kumana imaan karo.
  • Habeen kasta waxaan ku ducaysataa, inaad noqoto caruurtayda hooyadood.
  • Waxaan kuu rajeynayaa hurdo wacan oo nasasho leh macaan qaali.
  • Habeenkaan kugu riyoodo, maalinteeda waan iftiimaa sida qoraxda.
  • Qofka kaliya ee ila-qabysada habeenkayga waa adiga, waayo marnaba kama baxdid riyadayda.
  • Ii seexo pape, maalin dheer ayaa ku sugaysa. Markasta ii faraxsanow.
  • Jacaylkeena qabyoobi maayo, nasiibkeena xumaan maayo dadaalkeena khasaari maayo. Waxaana kuu qalmin marnaba kuu quuri maayo. Habeen wacan macaan.
  • Waxaa tahay boqorkaygi iyo hanti aan anigu gaar u leeyahay. Hurdo macaan ayaan kuu rajeynayaa.
  • Hadaan laabtayda adiga kugu haysto, wax kale maba rabo. Adigaa igu filan. Hurdo macaan ayaan kuu rajeynayaa qaali.
  • Maalin walba ayaan kuu xiisaa, wakhti kasta adigaan ku rabaa. daqiiqad walba adigaa ku dareemaa.  Hurdo wacan mcn.
  • Qalbigayga markuu codkaada maqlo wuu dhoolacadeeyaa.
  • Intaana seexan ka-hor habeen kasta, waxaan ku heesaa magacaada. Macaan habeenku hakuu wacnaado.
  • Iftiinkii indhahayga, iyo nuurki qalbigayga ayaa tahay. Waan ku jeclahay qaali.
  • Waxaa ii muuqda wajigaadi farxada badnaa. Waxaan jeclaan lahaa inaan kula joogo halkaad joogto.
  • Jacaylkaygi oo kaliya matihid macaan, waxaa tahay sidoo kale macalinkaygi nolosha.
  • Sida nuurka qoraxda u iftiimiyo dhulka, ayaad u nuurisaa noloshayda. Ma sugi karo inaan agtaada ka soo tooso habeeno badan xapiipti.
  • Adigaa ah qofkaan ugu jeclahay koonka, waxaa tahay nuurki noloshayda, habeen wanaagsan nolosheyda.
  • Waxaa tahay qofka maamula qalbigayga, waxaad ii tahay wax kasta. ii noolow waayo badan qalbi.
  • Waxaan weheshadaa habeenki, dareenkaan kuugu hayo qalbiga.
  • Si xad dhaafa ayey kuugu xiiseen indhahayga. Marka aan ku kulanyo riyada macaan.
  • Farxadaada waa farxadeyda, murugadaadana aad ayey ii dhibtaa. Marka inaad markasta ii faraxsanaato ayaan rabaa.
  • Macaan waxaad si joogto ah u dagan tahay laabtayda. Aad ayey iigu adag tahay inaan nolosha kugu cidleeyo.
  • Inaad tahay qof wanaagan, waa kuu dheer inaad tahay qof ku haboon nolosha in lala wadaago.
  • Murugo oo dhan way idaysaa markaan arko adigoo dhinacayga joogo. Habeen wacan xaaskaygi/ ninkaygi.
  • Dayaxu wuu iga masayray, markaan dhahay habeenkayga waxa iftiimaya gacaliyahayga. Habeen wacan qaali.
  • Gacaliye markaan laydhka damiyo, wali qolkayga waxa iftiimiya waa adiga.
  • Si kastoon isku badalo, marnaba ma badali doono, dareenkaan kuu qabo.
  • Inaan agtaada joogo, waa doorashada aan ugu jeclahay.
  • Majiro wax igala qiimo badan lahadalkaada. waayo wuxuu xambaarsan yahay dareen gooni ah macaan.
  • Iguma filna qoraalada iyo codkaada oo kaliya. waxaan u baahi weyn u qabaa la-joogaada qaali.
  • Qalbigayga waxaa buux dhaafiyay jacaylkaada, waana sababta aan u dooran Karin qof kale.
  • Gacaliye sababta aduunka oo dhan aan kaaga xushay ayaa ah. naxariistaada, jaceylkaada iyo dhaqankaada.

habeen wacan xabiibi

  • Adiga waxaa tahay dhayman iyo luul qaali ah. Habeenku hakuu wacnaado.
  • Meesha kaliya een ku dareemo xasilooni iyo farxad, waa agtaada.
  • Waxaan arki doonaa wajigaadi quruxda badnaa bari.
  • Qofka kaliya aan ka fikiro, xataa haduuna ila joogin waa adiga.
  • Waxaan alle ka baryaa inaan ku arko adigoo nabad qaba bari.
  • Gacaliye waad ku mahadsan tahay inaad noqotay wehelkaygi aduunka. Noloshu kuma cidlayso.
  • Qalbigaya waxa gilgila maaha shukulaatada, ubaxa ama wax kale. ee waadiga waxa qalbigayga luxa macaa.
  • Markasta waan kula ciyaari doonaa, laakin qalbigaada marnaba kuma ciyaari doono.
  • Inaan ku ilaashado waa riyadayda ugu wayn, adna ila joog walaal.
  • Noloshu waxay isiisay hadyad qurux badan, waana adiga gacaliso/gacaliye.
  • Caawa riyadayda dhaxdeeda, waxaan kaa shumin doonaa wajiga. Ii faraxsanow macaane.
  • Waxa ugu fiican ee isoo mara intaan joofo, waa inaan riyada kugu arko adiga.
  • waxa kaliya een iga dhamaan doonin waligay, waa jacaylkaada. Qalbi ii nolow.
  • Waxaa tahay waxa ugu horeeya ee ku soo dhaca maskaxdayda markaan tooso. iyo waxa ugu dambeeya markaan seexanayo.
  • Waxaan ahay qofka ugu nasiibka badan aduunka, waayo adigaan ku helay.
  • Si fiican u seexo pape, adigoo faraxsan ii soo toos barito, waan ku jeclahay.
  • Waad ku mahadsan tahay maadaama aad iga farxiso markasta gacaliye. Waxaan rajeynayaa inaan maqlo codkaada malabka ah barito.
  • Hada waad hururdaa, anigana adigaan kaa fikirayaa. Runti waxaan u xiisay aragtidaadi.
  • Waxaa tahay gabar qurux badan, qof cajiib ah. Waan ku faraxsanahay inaan ku bartay.
  • Inaan adiga kugu riyoodo ayaan u seexdaa, marabou inaan marnaba ku lumiyo. Si fiican iigu seexo xaaji.

Gaba-gabo

Hadaad rabto inuu adkaado xiriirkaada, waa inaad lamaanahaada u dirtaa erayo naxariis badan. oo qalbigiisa dareen ku abuuraya.

Waa inaad lamaanahaada u noqotaa wehel uuna ka maarmin. Hadaba hadaad rabto in qofkaad jeceshahay kaa fikiro habeen iyo maalinba. Iyo markuu jiifaba. U diri fariimahan habeenka wanaagsan ah.

La-wadaag asxaabtaada mahadsanid.

Dhamaad.

What is the meaning of Subah Wanaagsan?

Waa erayo shucuur badan oo subax wanaagsan ah. oo ku qasbaya inuu kaa fikiro adiga oo kaliya markuu seexanayo.

What is the meaning of fiid Wanaagsan?

Maad rabtaa inaad ku abuurto xiiso aan dhamaad lahayn, qofka aad jeceshahay. Hubaal hadaad u qorto fariimahan hoos ku qoran, aad ayuu kuu xiisayn doonaa

What language is subax wanaagsan?

waa somali, qofkaad jeceshahay ayaa loo qoraa erayo subax wanaagsan ah.

5 thoughts on “Habeen wanaagsan – erayo naxariis badan better”

  1. Hi i think that i saw you visited my web site thus i came to Return the favore Im attempting to find things to enhance my siteI suppose its ok to use a few of your ideas

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights